Kooxda farmajo oo bilaabeen in ay dhacaan hantida shacabka shaqadane laga joojiyey wasiirka arrimaha dibadda

 

Arrimaha soomaaliya

  Ra’iisul wasaaraha xukuumadda soomaaliya mudane maxamed xuseen rooble ayaa shaqo joojin ku sameeyey wasiirka arrimaha dibadda cabdisaciid muuse cali kadib warqad uu soo saaray rooble ayaa eedeyn culus u jeediyey wasiirka arrimaha dibadda soomaaliya waxaana eedaha loo jeediyey ka mid ah ku takrifal awoodeed ra’iisal wasaaraha dalka ayaa shaqada ka joojiyay wasiirka arrimaha debadda ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska rooble

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in ra’iisul wasaaruhu baabi’iyey warqad wasaaradda arrimaha dibadda ay ku fasaxday markab waday dhuxul sharci daro ah oo ku xernaa xeebaha dalka cumaan ugu dambeyn wuxuu ra’iisul wasaaruhu faray hanti dhowraha qaranka iyo hay’adaha amniga inay baaris dheeraad ah ku sameeyan falka uu sameeyey wasiirka

Shalay ayey aheyd markii rooble uu soo saaray amar culus oo si toos ah ugu socday wasaaradda arrimaha dibadda kaas oo la xiriira shaqaalihii laga saaray wasaaradda rooble ayaa wasiir cabdisaciid muuse cali ku wargeliyey in laga bilaabo kowdii janaayo 2022 shaqaalaha dowladda ee la bedelay ama shaqada laga qaaday aanay waafaqsaneyn go’aankii horey uga soo baxay golaha wasiirada wuxuuna amray in shaqaalahaas dib loogu fasaxo howlahooda dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqeynayeen

Musuq-maasuqa Farmaajo iyo saaxiibadiis ayaa ah waxa uu u ogolaaday inuu guri ku kireeyo kumanaan dollar bishii taasoo lid ku ah waxa uu leeyahay ama waxa uu si rasmi ah uga helay xilka madaxweynenimo taageerayaasha farmaajo ay isku dayayaan in ay gaaraan faa’iidada ugu badan ka hor inta aysan si rasmi ah uga tagin xilalkooda

Musuq-maasuqa wasiirka arrimaha dibadda ee daacadda u ah farmaajo iyo inuu qaato go’aamo sharciga ka hor imaanaya isagoo aan u gudbin golaha wasiirada shixnadda dhuxusha oo ah shay uu sharciga soomaaliya iyo kan caalamiga ahi mamnuucayo ka ganacsiga in uu shakhsi ahaan u leeyahay wasiirka arrimaha dibadda xil ka qaadistii rooble uu ku sameeyay wasiirkii arrimaha dibadda isla markaana loo gudbiyay maxkamad ay sabab u tahay musuq-maasuqa uu sameeyay wasiirka iyo ku takri falka xilka uu u hayo taasoo ka hor imaaneysa sharciga


Post a Comment

0 Comments