Madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed c/llaahi Farmaajo ayaa wareejiyey xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia maanta oo isniin ah May 23, 2022, iyadoo madaxweynaha cusub ee soomaaliya xasan sheekh maxamuud uu u guuray xarunta madaxtooyada farmajo waxa uu kireystay guri qaali ah oo ku yaalla jidka aadan cade ee magaalada muqdisho waxaana uuna ku kireystay lacag ka badan 10 kun oo dollar bishii
Lacagtaas oo uu ka soo lunsaday bankiga dhexe ee dowlada wuxuna rabaa inuu ku noolaado hantida shacabka masaakiinta ah farmajo ayaa shantii sano la soo dhaafay ku faani jiray inuusan sameyn wax masuqmaasuq ah ama dhac hantiyadeed laakiin markii laga guuleystay wuxuu bilaabay inuu hantida shacabka uu sii qaato qaarna uu ku noolaado qarna uu ku maalgeliyo kooxdiisa CBBda oo shantii sano caynaayey madaxda sare ee dalka soo martay
Taageerayaasha madaxweynihii hore ee soomaaliya maxamed c/llaahi farmaajo oo loo yaqaano CBB ayaa billaabay weeraro abaabulan iyo olole ka dhan ah madaxweynaha cusub iyagoo isku dayaya inay sumcadda ka jabiyaan ka hor inta uusan ku wareegin villa somalia waxayna bilaabeen in ay baraha bulshada ay ku caayaan si loo dhaho dowladaan waxba ma qabaneyso waxaa ka fiican dowladii farmajo oo aan ognahay shantii sano in ay gashay dembiyo dagaal iyo in ay qabiilada ay iska horkeentay
Dhinaca kale kooxda laga itaal roonaaday farmajo fahad yaasiin iyo xasan cali khayre ayaa la tacaalayaan argagixisada al-shabaab iyo kooxaha maafiyada ah si ay dambiyo abaabulan uga geystaan soomaaliya si ay u qalqal geliyaan amniga iyo xasiloonida dalka soomaaliya cusub madaxweyne xasan sheekh maxamuud ayaa marka laga soo tago baaqyo uu soo saaray in laga hor-tago xoogaga xumaanta ee uu farmaajo ku beeray xukunkiisa isla markaana uu la dhaqmo dadka ay saameysay afkaartiisa siyaasadeed ee xagjirka ah
Iyadoo loo marayo barnaamijyo dhaqan celin ah oo dadka lagu dhaqan celinayo isagoo tilmaamay in ololaha ay taageerayaasha farmaajo ka bilaabeen baraha bulshada ay yihiin wejiga dhabta ah ee kooxda qoraaladooda xambaarsanayn qiiro wadaninimo iyagoo doonaya inay dalka u horseedaan masiibo ka dib bixitaanki farmaajo waa in dhamaan xabsiga la soo wada dhigaa si dalkaan uu u helo xasilooni siyaasadeed iyo mid amni ah si dalkaan uu cagihiisa isku soo taago
Farmajo iyo kooxdiisa waa in la saara xayiraad dhanka duulimaadka ah si maxkamad loo soo taago waayo shantii sano ay xukunka haayeen waxay dalka ka galeen dembiyo fara badan shacabka ayaana sugaayey inta ay xukunka wareejinayaan si ay maxkamad la soo istaagaan waayo farmajo iyo kooxdiisa dalka waxay ka galeen dhibaatooyin aad u fara badan marka waa in cadaalada marsiiyaa si shacabka dhamaan ay cadaalad u helaan aanan madaxweyne dambe dalkan uusan ugu gelin dhibaato kale
0 Comments