Ra'iisal wasaare rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

  

Warbixin kooban

 Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay banaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil rooble oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in qofka la dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne islamarkaana ay cid gaar ah ka dambeysay dilkii Xildhibaanada

Aamina dadka dilay waxaa la dhahay gobolo kale ayaa laga soo qaaday saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan aamina oo ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka shabaabka ayuu yiri ra’iisul wasaare rooble ninka wuxuu dhahayey qofkii meesha soo maraba ma aamina inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama hayo

Dadkii argagixisada baabinayay ee la dagaalamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanada raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray ayaga bartilmaameed uma aheyn ee aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina aysan ka dambeeyn kooxaha argagixisada iyo al-shabaab sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii ikraan oo ay si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helideeda

Xadgudubyadii uu galay mudadii shanta sano aheyd ee uu xilka hayay farmajo iyo kooxdii uu hogaaminayey waxay samaysteen wax la mid ah maafiyo oo ay xukunka ku fidiyaan oo ay ku qabsadaan dhamaan qaybaha kala duwan ee maamulka iyagoo isticmaalaya dariiq kasta oo sharci darro ah iyo hab kasta oo ka soo horjeeda dhaqanka sharciga iyo anshaxa si uu u gaaro himiladiisa rikoor madow oo dambi kasta oo aad u foolxun oo aan la 

Qiyaasi karin ayaa la diiwaan galiyey gacantii qalabkii lagu shubay danbiga iyo fool xumada dilkuna gaadhay cid kasta oo ka soo horjeeda maamulka maafiyada iyo shaqada Qatar Farmajo iyo fahad Yaasiin iyo cid kasta oo khatar ku ah sii socoshada xukunka labada nin shacab iyo xataa xubno iyo hay’ado isku mid ah balse dembigii ugu foosha xumaa ee afduubka qarinta, jidh-dilka iyo dilka u geystay ikraan tahliil

Dilka Ikraan Tahliil ma ahayn oo kaliya dambiga ay galeen sirdoonka Soomaaliya iyo kooxda Qatar ee Soomaaliya ee ay hormuudka ka yihiin Fahad Yaasiin iyo Farmaajo balse arrinta ikraan tahliil ayaa sabab u ahayd in uu soo bandhigo dhaqamada wasakhda ah ee ka dhacayay waddooyinka ay maraan hay’adahaas iyo gudaha xabsiyada qarsoodiga ah sida dilka, jirdilka, la'aanta qasabka ah, iyo jirdil loo geysto dadka ka soo horjeeda

Shacabka soomaaliyeed ayaa ka dalbaday in Fahad iyo Farmaajo maxkamad lasoo taago kadib xilalka haayeen laga qaaday aanan la siin fursad ay ku baxsadaan maadaama ay damacsan yihiin inay dalka ka baxaan ka hor inta aan maxkamad la saarin waa in maxkamada sare ay soo saartaa warqad ay ku xayireyso in aysan dalka ka bixi karin ila amar dambe


Post a Comment

0 Comments