Madaxweynaha maqaar saarka ah ee koonfur galbeed cabdicasiis lafta gareen ayaa shalay oo khamiis aheyd may 19, 2022 ka dhoofay magaalada muqdisho isagoo dib ugu soo laabtay magaalada baydhabo ee xarunta u ah maamulkiisa waxaana ka muuqata in lafta gareen uu niyad jab weyn ka dib markii ay si weyn u lumiyeen xulafadiisa farmajo oo uu kaligiis wajihi doono masiirkiisa lama huraanka ah
Waxa ay u muuqataa in uu door biday in xilli xasaasi ah uu hoos u dhaco waxa ay aheyd in uu muqdisho sii joogo si uu ugu qeyb noqdo wada tashiyada ku aadan magacaabista ra’iisul rasaaraha cusub halka ay joogan maamulada kale ayna rabaan in dalkaan hormar gaaro halka lafta gareen uusan rabin in somaliya lugaheyda ku istaago uuna rabay in abtigiisa soo saarto
Boobkii kuraasta qabiilada kgs iyo hantidii lagu maalgiliyey siyaasada iyo khudbadihii xanafta lahaa is-aruursigii xildhibaanada ay ku tageen beydhabo iyo isdaba-oradkii iyo isu haberwacadkii lafta gareen iyo farmajo dhamaantood waxay kuso dhamaadeen fashil koonfur galbeed waa in ay heshaa madxweene daacad oo ka taliya aayaheyda midkaana waa in la bedelaa waayo uma shaqeeyo masiirka koonfur galbeed ee wuxuu u shaqeeyaa abtigiisa farmajo
Madaxweynaha koonfur galbeed lafta gareen wuxuu kamid ahaa kooxdii farmaajo ee hamigeedu ahaa siday kursiga iyo siyaasada somaliya awood ugu haysan lahaayeen iyagoo soo saartay xildhibaano taageersan si ay xukunka ugu soo laabtaan balse nasiib wanaag ilaahay ayaa dhaafiyay shartooda sidoo kale waxa uu kamid ahaa hogaankii fashilmay ee dalka gaarsiiyay xaalada siyaasdeed ee uu maanta ku jiro wuxuu kamid ahaa tiirkii uu ku taagnaa farmaajo maadaama abti uu u yahay dhamaan falalkuu ku kacayay ee aan ilaa hadda lagala xisaabtamin lafta gareen
Waa in maxkamada sare ay amar ku bixisaa in aysan dalka ka bixi karin ilaa amar dambe waayo farmajo iyo kooxdiisa waxa loo heystaa dembiyo ay ka galeen bulshada somaliyeed shantii sano ay xukun haayeen iyagoo galay dembiyo kala ah xasuuqii shacabka baydhabo, dagaalkii ahlu suna lagu qaaday kaas oo ku dhamaadeen shacab masaakiin ah qaarna ay barakiciyeen iyo dhalinyaradii la geeyey dalka eritariya ka dibna ay ka dagaalameen gobolka tigreyga ee dalka itoobiya
0 Comments