Madaxweynaha koonfur galbeed cabdicasiis lafta gareen oo bilaabay inuu hubeeyo beeshiisa si uu xukunka u sii joogo

Koonfur galbeed


  Xog lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in madaxweynaha koonfurt galbeed cabdicasiis xasan maxamed (Laftagareen) uu amray in hub keyd u ahaa maamulka uu hoggaamiyo loo qeybiyo beesha uu ka dhashay hubkaasi ayaa loogu talo-galay ciidamada koonfur galbeed dhameysta tabababarka ay bixiyaan saraakiisha UK

Ilo-wareedyo ayaa sheegay in hubkaasi oo u badan qoryaha fudud iyo rasaastooda sida AK-47, BKM, bastoolado iyo rasaas gebi ahaanba lagala baxay bakhaaradii ay ku jireen sida ay sheegayaan wararka aan helnay ujeedada ka danbeysa in hubkaasi galo gacan maleeshiyo beeleed ayaa waxay xiriir la leedahay guuldarada siyaasadeed ee soo wajahay 

Lafta-gareen maadaama bey yiraahdeen uu ogsoon yahay inuusan taageero ka heysan beelaha koonfur galbeed islamarkaana muddo xileedkiisa dhamaad yahay sidaas darteedna uu ka cabsi qabo kacdoon arrintaan oo dood ka dhex dhalisay shacabka iyo maamulkaba ayeysan jirin cid ka hadashay sababo la xiriira baqdin ay ka qabaan in la bartilmaameedsado ama inay xilkooda weyn doonaan

Madaxweyne lafta gareen ayaa noqday mid aan laga rabin dhammaan beelaha koonfur galbeed waxa keliya lagu nacay waa cabudhinta uu ku sameeyay iyo khiyaamada doorashada ee uu ku kacay ay keentay in beeluhu diidaan inuu sii hoggaamiyo maamulkaas hadalkaas oo ahaa in markii Farmaajo la waayay ay suurta gal noqon weyday in lafta gareen uu ku sii socdo hogaanka koonfur galbeed

Shacabka koonfur galbeed ayaa  ugu baaqday madaxweyne lafta gareen inuu wax ka barto muddo kororsigii horey u fashilmay ee madaxweynihii hore ee dalka farmaajo waxayna intaa ku dartay in muddo kororsi uusan xilligan ka shaqeynin somalia maalmaha soo socda ayaa laga yaabaa in xiisadda magaalada baydhaba ay kasii darto ayada oo qaar ka mid ah siyaasiyiinta koonfur galbeed ee ciilka u qaba lafta-gareen ay billaabeen abaabul


Post a Comment

0 Comments