Warbixin rasmi ah ayaa daaha ka qaaday musuq maasuq weyn oo dhacay intii uu Khayre ra’iisul wasaaraha ka ahaa Somaliya

Dembiyada kheyre ka galay dalka


 Ilo ku dhow dhow Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre ayaa xaqiijiyay inuusan ku qanacsaneyn warbixintii laga diyariyey oo uu tiro iyo dukumiintiyo ku sheegay musuq-maasuq weyn iyo dhac baahsan oo hanti dadweyne lagu sameeyay intii uu xilka hayay Khayre Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in war-bixintaas oo aan ku qanacsanayn ay tahay mid uu si maldahan u aqoonsan yahay Khayre

Isagoo intii uu ra'iisul wasaaraha ahaa ku kacay musuq-maasuq iyo ku-takri-fal sharci haddii kale muxuu uga xanaaqay warbixintaas inkastoo ay sal u ahayd dukumeenti rasmi ah xog iyo tirooyin lagu kormeeray xisaab-xidhka xisaabaadka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee sanad-maaliyadeedka 2018-ka haddii uu Ra’iisul Wasaaruhu wax dambi ah lahayn waxay ahayd inuu beeniyo waxa lagu sheegay warbixintii xukuumadda ee daaha ka qaaday musuq-maasuqa xukuumadda Khayre taasoo ah warbixintii maaliyadda ee ugu horreysay taariikhda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 

Shuruudaha ay u hoggaansamaan heerarka caalamiga ah ee hay'adaha kormeerka sare ee maaliyadda ma aha in Khayre uu ku dhaqaaqo eedeymo aan loo meel dayin oo ka dhan ah suxufiyiinta isaga oo iska indhatiraya musuqmaasuqa iyo dhaca hantida dadweynaha intii uu ahaa ra'iisul wasaaraha marka la eego dadka siyaasadda indha indheeya waxay u xaqiijiyeen in musuqmaasuqa iyo bililiqada hantida dadweynaha ee ay xukuumadda Khayre ku dhex jirto aysan ahayn dambiga kaliya ee uu galay Khayre iyo xukuumaddiisa,

Muqdisho iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah qalalaasaha amniga weerarrada iyo daba galka mucaaradka Dowladda waxaa ka dhintay tobaneeyo qof oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoo qof walbana uu weli xasuusan yahay wixii ay dacwado iyo weerarro kala duwanaa ay la kulmeen siyaasigii  mucaaradka ahna musharaxa madaxweyne cabdiraxman cabdishakuur warsame iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya. Dilka asxaabtiisa oo dhamaan ahaa xiligii 

Xasan Khayrre dhamaadkii sanadkii hore ee 2017 ayay ciidamada dowlada weerar ku qaadeen guriga cabdiraxmaan cabdishakuur warsame halkaasi oo ay ku toogteen ilaaladiisa isaga oo dhaawac ah intaas oo keliya ma aha ee waa la xidhay isagoo dhaawac ah si badheedh ah oo xuquuqdiisa loogu xad-gudbay sababna ma jirto ee wuxuu dhaliilayaa xukuumadda uu hoggaamiyo Khayre iyo musuqmaasuqeeda

Wuxuu kaloo galay heshiisyo qarsoodi ah oo lala galay shirkado ajaanib ah oo ka shaqaynaya sahaminta shidaalka xasan kheyre waxa uu ahaa maamulaha shirkadda Shidaalka ee Soma Oil and Gas ee Ingiriiska siyaasiyiinta iyo dadka u kuur gala xaaladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay dowladda Xasan Cali Kheyre in ay ku fashilantay isla markaana ay ka gaabisay la dagaalanka xarakada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda iyo in ay xaddido weerarada 

Waxaana Kheyre ay ku eedeeyeen in shaqsi ahaantiisa uu galay dambiyo qaran iyo qiyaano qaran oo uu mudnaa in maxkamad la soo taago Khayre ayaa ah ninka labaad ee ugu sareeya Qatar marka laga reebo Farmajo waxayna dadka falanqeeya ku tilmaameen inuu yahay shaqsi kala furfura mucaaradka iyo kuwa daacadda u ah

Post a Comment

0 Comments