Dowladda ayaa ciidamo gurmad ah u direysaa gobolka hiiran si ay ula dagaalaman alshabab halka farmajo iyo fahad ay garab siinayaan argigixisada alshabab

 

Farmajo iyo Fahad Yaasiin

  Dowladda federaalka soomaaliya ayaa ciidamo cusub u dirtay gobolka hiiraan ee bartamaha soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah al-shabaab oo shantii sano Farmajo ku xoogeysteen ayaa hada la rabaa in laga saaro dhamaan deeganaadaas si amniga dalka loo xaqiijiyo waxaana hada socda dagaalo ka dhan ah alshaabab xasan sheekh ayaa ku howlan sidii dalka looga saari lahaaa alshabab iyo kooxdooda ku gambaneysaa shaatiga dowladda 

Ciidamadan ayaa laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha adan cadde ee magaalada muqdisho waxaana loo sii qaaday  magaalada guri ceel ee gobolka gal-gaduud waxaana la filayaa in loo wareejiyo maamulka hirshabeele oo deegaanadaas ay gacanta ugu jiraan alshabab hadana ay ka dagaalamayaan gurmadkaan loo dirayo ayaa timid kadib markii saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee qeybta 27-aad iyo 21-aad ay dowladda federaalka ka codsadeen in ay u soo dirto ciidamo u tababaran soo saarista miinooyinka 

Waxaana u dirtay wasaaradda gaashaandhigga si ay uga qeyb qaataan dardar gelinta howlgallada ka dhan ah ee alshabaab ciidamadaan loo diray gobolka hiiraan ayaa ka shaqeyn doona sidii ay miinooyinka uga saari lahaayeen wadada isku xirta magaalada beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan iyo degmada Matabaan halkaasi oo isu socodkooda uu aad ugu adkaaday miinooyinka cuslaa ee ay aaseen al-shabaab 

Dhinaca kale hay’adaha amniga Somaliya ayaa ka digay weeraro xooggan iyo qaraxyo qorsheysan oo ay ka fulin rabaan alshabaab gudaha muqdisho waxaana laga yaaba inay tahay xeelad cusub oo lagu cabsi galinayo siyaasiyiinta iyo shacabka goobaha la xusay ee ay suurta-galka tahay in al-Shabaab beegsato ayaa waxaa ka mid ah xarunta wasaaradda gaashaandhigga xarunta taliska ciidanka xoogga iyo xerada damaanyo oo ay degan yihiin ciidanka gorgor 

Waxa hubaala in Farmaajo adeegsanayo qaraxyada ismiidaaminta ah ee la filayo inay al-shabaab ka fuliso meelo kala duwan oo kamida muqdisho farmaajo iyo dhigiisa fahad yaasiin ayaa isku dayayaan inay ka dhex abuuraan khilaaf iyo rabshado gudaha dalka si ay dib ugu soo laabtaan xukunka dalka ayna shacabka u sheegaan in ay yihiin hogaamiyayaal wanaagsan oo dalka wax badan u qabanayaan iyagoo ka jeedinayaan dadaalada dowladda cusub

Shacabka soomaliyeed ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago Farmaajo iyo fahad yaasiin si loogu qaado dembiyadii ay galeen shantii sano ee dalka xukumayeensi shacabka cadaalad uu u helo iyo si loo yareeyo dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya ee iyagu geysteen loogana adkaado kooxda argigixisada alshabab oo dalka burburisay ayna rabin in soomaaliya hore u soconin waa in hey'addaha ku shaqada leh ay gutaan waajibaadkooda ka saaran 

Post a Comment

0 Comments