Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxaay barlamaanka u adeegsanayaan xildhibaanada daacad u ah si ay u difaacaan wasiirka maaliyada

 

Farmajo iyo Fahad yaasiin

Waxaa 3-dii maalmood ee lasoo dhaafay socotay dood ku saabsan akhrinta miisaaniyadda dowladda ee sanadkaan 2022-ka waxaana muuqata inay daba dheeraatay doodaan wasiirka maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay hor tegay fadhiyo wadajir ah oo labada aqal ee baarlamaanka ay su’aalo ku weydiiyeen wasiir beyle ayaa wajahay su’aalo adag oo ku saabsan hanaanka maaliyadeed ee dalka

Kuwaas oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay uga imaanayey xubnaha labada Aqal ee baarlamaanka arrinta ugu weyn ee lagu heysto wasiirka maaliyadda waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2018-kii iyo in wasiirku uu kala cadey la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale dowladdii uu Farmaajo hogaaminaayey ayaa shantii sano la sameyn xisaab xir malaayiin dollarna la lunsaday

Xeer ilaaliyaha qaran ayaa wasiirka maaliyadda cabdiraxmaan bayle ugu baaqaya baaritaanka dambiyada maaliyadda & lacag dhaqidda ay gashay intii ay joogtay dowladda Farmaajo Musuq-maasuqii baarlamaankii ugu dambeeyay ee xiligii farmaajo ayaa lunsaday hantida qaranka farmaajo iyo dowladiisa wasiirka maaliyadda wuxu baarlamaanka u gudbinayey warbixinno miisaaniyadeed ugu dambeyey taasoo aan la diiwaan gelin sida hadda muuqata

Xeer ilaaliyaha qaranka waa in uu Farmaajo u yeeraa baaritaanna ku sameeyaa dhacdadii iyo masuq-maasuqii uu ku kacay iyo inuu horey u sii qaatay malaayiin dollar dhinacxa kalena baarlamaanku waa in uu shaqsi ahaan ay u xisaabiyaan farmaajo iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka kula xisaabtamo miisaaniyadihii hore iyo wixii ay ka wadahadleen baarlamaanka waqtigu ka dhammaaday si maxkamad loo geeyo laguna qaado dembiyadii ay qaranka ka galeen

Farmaajo iyo fahad yaasiin waxay adeegsanayaan xildhibaanada daacada u ah ayaa qorsheynayaan in ay qalalaase ka dhex abuuraan baarlamaanka dhexdiisa oo su'aalo lagu weydiinayo wasiirka maaliyada oo xisaab xir aan sameenin shantii sano ee la soo dhaafay lana sameeyey masu-maasuq iyo lunsiga hantida qaranka dowladii uu hogaaminaayey farmajo

Post a Comment

0 Comments