Farmaajo iyo gudoomiyihii hore ee barlamaanka ayaa wajahayaan maxkamad ka dib markii ay ku cadaatay lunsiga hantida qaran shantii sano ee la soo dhaafay

 

Farmajo iyo Mursal

 Guddoonka baarlamaanka federaalka soomaaliya ayaa shalay u saaray guddi baaritaan ku sameeya xisaab xirkii miisaaniyadda shantii sano ee la soo dhaafay oo aan la horkeenin Labada gole ee baarlamaanka guddiga cusub ayaa sidoo kale waxay ka shaqeyn doonaan si loo ogaado cida leh mas’uuliyadda arrintaas 

Sida wasaaradda maaliyadda iyo guddoonkii hore ee golaha shacabka Maxamed mursal inkasta oo uu ku adkaystay wasiirka maaliyadda inuu soo gudbiyay xisaab-xirka shantii sano ee dowladdii hore musuq-maasuqii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka iyo wadashaqeyntiifFarmaajo ee xatooyada hantida umadda ay tahay midda keentay in baarlamaanka la qariyo ansixinta miisaaniyadihii hore

Farmaajo iyo gudoomiyihii hore ee barlamaanka ayaa wajahaya maxkamadeen ka dib markii aay ku cadaatay in ay shantii sano ee xukunka joogeen ay ku kaceen masuq-maasuq iyo lacag dhaqid iyadoo aysan sameyn xisaab xir inta ay xukunka joogeen arrinta ugu weyn ee lagu heysto farmajo iyo gudoomiyihii hore waa xisaab xir la’aan jirtay tan iyo sanadkii 2017-kii iyo in wasiirka maaliyada uu kala cadeyn la’yahay in deeqaha uu caalamku siiyo soomaaliya ay deyn yihiin iyo in kale

Magacaabista guddigaan ayaa imaneysa ayada oo shalay Labada aqal ee baarlamaanka ay meel-mariyeen miisaaniyadda sanadka 2022-ka kaddib saddex maalmood oo dood adag ka socotay waxaana warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga KMG maaliyadda ee loo saaray miisaaniyadda ku jirtay talo soo jeedin ku saabsan in dib u eegis lagu sameyn karo

Farmaajo iyo gudoomiyihii barlamaanka maxamed mursal waxay adeegsanayaan xildhibaanada daacada u ah iyagoo qorsheynayaan in ay qalalaase ka dhex abuuraan baarlamaanka dhexdiisa oo su'aalo lagu weydiinayo wasiirka maaliyada oo xisaab xir aan sameenin shantii sano ee la soo dhaafay lana sameeyey masu-maasuq iyo lunsiga hantida qaranka dowladii uu hogaaminaayey farmajo


Post a Comment

0 Comments