Farmajo iyo Fahad ayaa sii wada wadashaqeynta ay la leeyihiin al-shabab si dowladda cusub loo rido

 

Farmajo iyo Fahad

  Ugu yaraan 5 askari ayaa ku dhimatay kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax lala eegtay ciidamo ka tirsan midowga afrika ee AMISOM duleedka magaalada marka ee xarunta gobolka shabeellaha hoose ee maamulka koonfur galbeed ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in shanta askari ee sabtidii la dilay ay ka tirsanaayeen ciidamada uganda ee ku howlgala magaca amisom

Xarakada al-shabaab oo taabacsan al-qaacida ayaa sheegatay mas’uuliyadda iyagoo garab ka helaayo Farmaajo iyo fahad yaasiin oo doonayaan in ay khalkhal geliyaan amniga dalka si indhaha shacab loogu jeediyo dowladda ayna ku mashquulin malaayiinta dollar ee laga soo dhacay bankiga ayna taalo guriga farmaajo ayna rabaan in ay dhaqaan 

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ayaa bilaabeen in ay ka aargoostaan xildhibaanadii codkooda u diideen si ay u dilaan waxayna u adeegsanayaan alshabaab iyagoo malaayiin dollar ku bixinayaan si aan loogu soo dabagalin lacagaha ay soo dhaceen maalmahan ayey aheyd markii wasiirka maaliyadda la horkeenay si su'aalo loogu weydiiyo shantii sano ee la soo dhaafay meeshay martay lacagihii loogu tala galay ee la dhacay

Wasiirka maaliyada ayaana sheegay in guddomiyihii hore iyo farmajo ay lunsadeen ka dib markii farmajo u cadaatay in maxkamad la soo taagi rabo ayuu bilaabay inuu amniga dalka qalqal geliyo si loo rido dowladda cusub xukunkane uu ku wareego wuxuu alshabab u adeegsaday ciidamada shisheeye ee nabad ilaalinta u joogan si caalamka loo tuso in dowladaan cusub ay ku fashilantay amniga dalka xilalkane laga qaado 

Shacabka soomaliyeed ayaa dalbanayaan in maxkamad la soo taago farmajo iyo fahad yaasiin si loogu qaado dembiyadii ay galeen shantii sano ee dalka xukumayeensi shacabka cadaalad uu  helaan lana yareeyo dhibaatooyinka ka jira soomaaliya ee iyagu geysteen loogana adkaado kooxda argigixisada alshabab oo dalka burburisay ayna rabin in soomaaliya hore u socoto waa in hey'addaha ku shaqada leh ay gutaan waajibaadkooda ka saaran 

Post a Comment

0 Comments