Madaxtooyadu waxay markii ugu horeysay shaacisay in tiro askar ah oo Soomaali ah lagu laayay dalka Eritrea halka farmaajo uu qariyey xogtaas

  

Farmaajo iyo Xasan sheekh

  Farmaajo iyo fahad yaasiin ayaa k been sheegayeen labadii sano ee la soo dhaafay ee ku saabsan joogitaanka askarta eritrea Fahad Yaasiin ayaa sii dafirayaa joogitaanka askartan xitaa mar uu wareysi bixinaayey todobaadyadii la soo dhaafay wuxuuna ku  adkeysanayey in aan ciidan loo dirin eritarea sababtoo ah wuxuu ogyahay in ciidamadii loo diray eritarea lagu laayey inta badan gobolka tigreyga ee dalka itoobiya

Afhayeenka madaxtooyada soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo marti ku ahaa  barnaamij ka baxay TV-ga somali cable ayaa si cad u sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen cabdikariin ayaa intaas raaciyey in dhalinayada dhimatay waalidiintood ay akhbaartu gaartay isagoo balan qaaday in waalidiinta aan helin xogta in wiilashoodii dhinteen uu isagu siinayo

Mar la weydiiyey su’aal aheyd in lacag dhan 50 milyan madax-furasho loogu heysto dhalinyaradaas oo Farmaajo bixin waayey sidaas aan lagu soo celin waayya ayuu ka meer meeray inuu ka jawaabo wuxuuna weriyaasha soomaaliyeed u soo jeediyey in ayagu ay baaraan xogtaas ugu dambeyntii afhayeenka madaxtooyada qaranka ayaa sheegay in dowladdu ay balan qaadeyso in dhalinyaradaas inta ka nool dalka dib loogu soo celinayo iyagoo tababaran oo dalka anfacaya

Farmaajo ayaa eritrea u diray in ka badan 10,000 oo askari ee ma ahayn 5,000 sida uu sheegay iyadoo ay ogyihiin taliyaha ciidanka odowaa yuusuf iyo fahad yaasiin askartaan ayaa ka qayb galeen dagaalkii tigrayga ee dhinaca ciidamada itoobiya askarta soomaalida ayaa xasuuq iyo gabood fallo ka dhan ah bani’aadantinimada kala kulmay shacabka itoobiya iyadoo uu wax ka og yahay madaxweyne farmaajo sida lagu sheegay warbixinno dhowr ah oo caalami ah oo uu shaqsi ahaantiisa horay u beeniyay 

Dhinaca kale wiil lagu magacaabo maxamed oo ka mid ahaa dhalinyaradii soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka eritrea ayaa soo bandhigay xogta dhalinyaradii uu ku jiray oo qaar la dilay qaar soo baxsadeen qaarna weli adoonsi ugu jiraan dowladda eritrea wiilkaan oo u waramay idaacadaha dalka ayaa sheegay in dhalinyaradaas inta ka nool ay ku jiraan xaalad aad u adag isagoo waalidiinta soomaaliyeed ugu baaqay inay ka dhiidhiyaan adoonsiga wiilashooda lagu heysto eritrea

Wuxuu sheegay in dhibkii loo geystay uu aaqiro iyo aduun alle kula xisaabtamayo farmajo oo dabinkaas u maleegay sidoo kale ra’iisul wasaaraha cusub ayuu ka codsaday in dhalinyaradaas inta hartay uu noloshooda badbaadiyo shacabka soomaaliyeed ayaana ka codsanayaan dowladda cusub ee xsan sheekh ay maxkamad soo taagaan kooxdaan dhiigya cabka ah ee dalka iyo dadka ay laayeen



Post a Comment

0 Comments