Madaxweynaha koonfur galbeed cabdicasiis lafta gareen ayaa ku socda wadadii uu qaaday kelitaliska farmajo wuxuuna rabaa inuu sameysto mudo kororsi xoog ah

Lafta Gareen

  Maamulka ka jira gobolka koonfur galbeed Lafta Gareen wuxuu December 18, 2018 ku yimid doorasho aan hufnayn kacdoonkii carada shacbiga ka dhashayna waxaa lagu demiyay dhiiga maamulka dulmigaas ku askunmay ee cabdulcasis laftagareen wuxuu mudda xileedkiisa ku eg yahay wax ka yar shan bilood

Maamulkaas  waxay dadka ku tilmaamaan inuu yahay mid kelitalis ah oo qoysaysan mana aha mid daah furan wuxuu adeegsadaa cabsiggelin baahsan cabburin, jirdil, iyo xabsi Weriyayaal ay u suurtowday inay arkaan xabsiga ayaa soo tebiyey in maxaabiista badidooda ay naafoobeen jirdil aawadiis kuna xiran yihiin qolal aan lahayn dariishado hawo iyo iftiin ka galaan raashin rasmi ah ma haystaan lamana booqon karo

Toddobaadkan laftagareen wuxuu Koonfur-Galbeed  ka mamnuucay qabashada shirar siyaasadeed wasiirka Amniga Maxamed Isaaq Cabdi ayaa June 25, 2022 sii faafaahiyay in la joojiyay hadal siyaasadeed si aan amniga gobolka khalkhal loo gelin amarku wuxuu ka dambeeyay markuu  Guddoomiyihii hore ee gobolka Bakool ibraahim macallim Nuurow uu ku dhawaaqay inuu yahay musharrax goddoomiye

Dabcan maamulka waxaa qorsho u ah inuu kolka hore uu ku kororsado muddo xileedkiisa sanad iyo bar waxa xusuus mudan in xildhibaannada barlamaanka koonfur-galbeed aysan mushaahar qaadan lix bilood inkastoo maalmahan dambe qaar la siinayo kaararkii loogu talagalay taakulaynta barakacyaasha abaaraha ee dhooban gobolka

Booqashadii baydhabo madaxweyne Xasan Sheekh mar la qaatay shir albaabbda u xiran yihiin laftagareen waxay ka hadleen waxba kaamasoo shaacbixin balse madaxweynaha khudbadiise dambe ayuu kusoo daray inuu sameysanayo mudo kororsi xoog ah laakiin xasan sheekh wuxu u sheegay laftagareen in haddii aad guddoonka gobolka kusoo noqonaysid iyo haddii kaleba ay khuseeyso dadweynaha koonfur-galbeed


Post a Comment

0 Comments